Naflacaari/Panic attacks

Waa xaalad nafsaani ah oo qofku dareemo cabsi iyo argagax ku soo foolle. 

Marka uu qofku la kulmo, wuxu aad uga weweraa xaalad labaad, taas ayaa keenta in qofku ka fogaado wax kasta oo la xidhiidha dhacdadii hore. 

Naflacaarigu, dumarka ayuu laba goor ku badan yahay marka la barbardhigo ragga.

 Waxa uu ku dhacaa si lama-filaan ah ama xaalado gaar ah ayaa kiciya.

Waxa lagu aqoosadaa; in qofku kulmo dareemo aanu xakaymayn karayn oo uu ka cabsanayo in uu dhinto, kuwaas oo ay wehiliyaan  ceejismid iyo iswaayid. 

Xaaladahan ayaa keenaya astaamo duleed oo ay ka mid yihiin; 

Wadnagaraac badan, lab xanuun, neefqabatin, dhidid, yalaalugu,  jarayn, dawakhaad, kabuubyo IQK. 

Naflacaariga waxa keeni kara; hidde, dhacdo dabagediday nolosha qofka oo soo martay, dhaawac dareen ama jidheed oo qofku la kulmay iyo in qofku qaatay walxaha lagu welfo ama cabbay xaddi badan oo kafay ah. 

Naflacaarigu waxa lagu daweeyo hannaan nafsaani iyo daawo toos ah.

Comments

Popular posts from this blog

Qulub/Depression