Posts

Showing posts from November, 2022

Qulub/Depression

  Waa xaalad nafsaani ah oo ku dhacda Aadamaha, iyada oo aan loo eegayn isir, jinsi, midab iyo diin midna. Waxa uu leeyahay calaamado lagu aqoonsado oo ay ka mid yihiin; niyad-jab, rajo-beel, daal, wahsi, tahliwaa, hurdo-xumo, oon-xumo, cabsi, qiima-beel, isqawedid iyo hab feker gurracan oo qofka geyaysiiya in uu naftiisa gooyo. Xaaladahan oo qofku si joogto ah u dareemayo labo todobaad iyo ka badan, waxa ay qofka iska hortaagayaan in uu guto nolol-maalmeedkiisa. Qulubka, waxa sababa xaalado isbarkan, sida; hiddaysi, arimo bulsho iyo kuwo nafsaaniya. Qofka uu haleelo qulubku, waxa uu leeyahay hannaan loo daweeyo iyo tabo looga hortago.